Sideed qof ayaa geeriyootey 12 kalena waa dhaawacmeen kadib markii weerar ismiidaamin ah lagu qaadey suuq ku yaala Dimishiq sida ay ku warantey wakaalada AP iyada oo soo xiganaysa Telefishanka Siiriya.
Weerarka ayaa ka dhacay suuqa loo yaqaan Taxriir subaxnimadii hore ee maanta oo Axad ah.
Kuwa weerarka qaadey ayaa isku dayey in ay qarxiyaan saddex gaari oo bom lagu soo xiray, waxaase ka hortegey ciidanka amaanka, waxaana ay fashiliyeen laba kamid ah, oo ay ku qarxiyeen waddada garoonka diyaaradaha, halka kan kale uu ku qarxay Suuq Taxriir.
Halka weerarku ka dhacay ayaa ah goob socodku aad ugu badan yahay oo ku dhaw bartamaha Dimishiq.
Sawirada laga soo qaadey goobta weerarku ka dhacay ayaa muujinaya burbur xoog leh iyo gawaari gubatey.
Comments are closed