Baaritaan lagu hayo guddoomiye waaxeed xalay lagu dilay magaalada Muqdisho

Muqdisho (estvlive) 04/07/2017

Labo dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubeysnaa ayaa xalay degmda Deyniile ee gobolka Banaadir toogasho ku dilay guddoomiye waaxeed ka tirsnaa degmada sida ay warbaahinta u sheegeen dad goob joogayaal ahaa.

 

Guddoomiye waaxeedka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Cisman Weheliye [Cali Jaceyl] ayaa ahaa guddoomiyaha deegaanka Oodweyne ee degmada Deyniile.

Ragga dilka geystay ayaa la sheegay in ay horay u sii qaateen talleefoonkii gacanta ee uu adeegsanayay marxuumka iyo bastoolad uu sitay.

Ciidamada dowladda federaalka oo goobta gaaray ayaa tan iyo xalay waday baaritaanno lagu baadi-goobiyay raggii dilka ka danbeeyay, waxaana ay  ciidamadu isku balaariyay dhamaanba waaxyaha ay degmada ka kooban tahay.

Guddoomiyaha la dilay ayaa todobaad ka hor ka badbaaday weerar qarax lagula eegtay degmada gudaha Deyniile..

Comments are closed