Wuxuu sheegay in soo wareejinta maxaabiistu ay qayb ka ahayd heshiis dhexmaray dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda Itoobiya, kaasi oo la saxiixay safarkii hore ee uu ku tegay Magaaladda Adis-ababa ee Dalka Itoobiya.
“Waxaan ku guuleysanay in ay Itoobiya nagu warejiso 120 Maxabiis Soomaali ah iyadoo fulinaysa heshiiskii ay Soomaaliya la gashay “ ayuu ku yiri ra’isul Wasaaruhu qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
“Safarkeygii hore waxaan Dowladda Itobiya kula heshiinay in ay nagu soo wareejiso Maxabiista Soomaaliyeed ku xiran dalkeedda” ayuu sii raaciyay
Dhinaca kale, Ra’isul Wasaare Khayre wuxuu khudbad ka jeediyay shirweynaha 29aad ee ururka Midowga afrika oo ay ka qaybgalayaan Madaxweynayaal iyo hoggaamiyaasha qaaradda afrika, wuxuuna ka hadlay caqabadaha haysta Soomaaliya iyo fursadaha horyaal gaar ahaan horumarinta dhalinyarada oo udub dhexaad u ahayd barnaamijka uu la tegay shirka midowga Afrika.
Comments are closed