Dalabka dowladda Jabuuti ayaa imanaya kaddib markii halkaa isaga baxeen ciidamadii dowladda Qatar ee nabad ilaalinta u joogay, sida ay baahisay Reuters oo soo xigatay wasiirka arrimaha debedda Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf.
Ciidamada Qadar ayaa xuduudda labadaas dal la keenay kadib markii ay isku dhaceen Eritrea iyo Djibouti sannadkii 2008, hase ahaatee waxay si aan hore loo sii qorshayn uga baxeen xuduudda bishii June 14-keedii.
Laakiin Qatar wax faah faahin ah kama aysan bixin sababta ay ciidamadeeda markii danbe uga saartay halkaa, hase ahaatee arrintan ayaa ku soo beegantay markii Djibouti iyo Eritrea ay la safteen Xulafada Sucuudigu hoggaamiyo ee ka soo horjeedda dalka Qadar.
Wasiirka Arrimaha Debedda Djibouti Maxamud Cali Yuusuf ayaa u sheegay wakaaladda Wararka ee Reuters in ay u soo jeediyeen Midawga Africa in ay in ay booskaas buuxiyaan, isla markaana ay si degdeg ah tallaabo u qaadaan.
Comments are closed