DAAWO Xulafada Sacuudiga oo sheegay inaysan ku qancin Jawaabtii Qatar

Riyaad (estvlive) 06/07/2017

Wasiirada Arrimaha Dibada ee dalalka Sacuudiga, Imaaraatiga, Masar iyo Baxreyn oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Qaahira ayaa sheegay in jawaabtii uga timid dhinaca dowlada Qatar aysan ahayn tii ay filayeen.

Qatar ayaa Isniintii ka jawaabtay 13 qodob oo ay xulafada Sacuudiga ku xireen qaadista xayiraada ay kusoo rogeen Qatar.

 

Sida muuqata Qatar ayaa diiday inay wax gorgortan ah ka gasho arrimaha u khaaska ah sida Saldhiga Militariga Turkiga ku leeyahay dalkooda, Xiritaanka Telefishinka Aljazeera iyo inay xiriirka u jarto ururada Ikhwaan muslimiinka & Xamaas.

Wasiirada ku shiray Qaahira ma faah faahin qodobada Qatar kasoo jawaabtay balse waxay sheegeen in jawaabtii ka timid Doxa ay tahay mid aan wax xal ah keeni doonin, iyagoona sheegay in xayiraada saaran Qatar ay sii socon doonto.

Xulafada Sacuudiga ayaa sheegay inay dhawaan shir isugu imaan doonaan dalka Baxreyn, walow aysan iclaamin xiliga shirkaasi dhici doono.

Sacuudiga
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Sacuudiga Adel al Jubeir ayaa shirkii jaraa’iid ee Qaahira ka dhacay ka sheegay in ay xayiraad horleh kusoo rogi doonaan Qatar, wuxuuna sheegay in tilaabooyinka ay qaadi doonaan ay yihiin kuwo aan jabin doonin Sharuuca Caalamiga ah.

Imaaraatiga
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Imaaraatiga Abdullah bin Zayed Al Nahyan ayaa isagu si kasii adag u hadlay, wuxuuna ku tilmaamay Qatar dowlad aan dooneyn inay joojiso siyaasadeeda ku dhisan “…Wax burburinta, Xagjirnimada iyo Argagaxisada….” waa siduu hadalka u dhigayee.

Xulafa Sacuudiga iyo Imaaraatiga ayaa 22kii bishii June soo saaray Qoraal ka kooban 13 qodob oo ay ka codsadeen Qatar iyagoo u qabtay dowladaasi inay kusoo jawaabto muddo 10 maalmood ah. Qodobada ay soo gudbiyeen ayaa ahaa kuwo aad u adkaa inay Qatar wax ka qabato maadaama ay yihiin intooda badan kuwo faro gelinaya siyaasada arrimaha gudaha ee xukuumada Doxa.

Qatar ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay waday dadaal diblumaasiyadeed oo caalami ah iyo waliba tabaabusheysi ku aadan dhinaca ganacsiga si ay uga hortagto xayiraada ay saareen dalalkaasi Khaliijka ee jaarka la ah.

Waxaa la saadaalinayaa in Qatar wadooyinka u banaan ay kamid tahay inay isaga baxdo ururka dalalka Khaliijka ee GCC taasi oo dhaawac weyn ku noqon doonta isbaheysigaasi dalalkaasi Carbeed ee tujaarta ah.

Comments are closed