Mexico 14 qof oo ku dhintay iska horimaad kooxo hubeysan

Mexico (estvlive) 06/07/2017

Arbacadii shalay ayey kooxo hubeysan iska horimaad ku dhexmaray gobalka Chihuahua ee waqooyiga wadanka Mexico.

 

Dagaalkan u dhaxeeya kooxaha ka ganacsada Daroogada ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen dad gaaraya 26 qof, walow booliiska ay sheegeen inay heleen meydadka 14 qof oo kaliya.

Iska horimaadkan ka dhacay magaalada lagu magacaabo Las-Varas ayaa u dhaxeeyo maleeshiyaad ka wada tirsan kooxda loo yaqaan “Burcada Sinaloa”, kuwaasi oo isku heysta hogaanka kooxdaasi tan iyo markii la xiray hogaamiyahoodii Joaquin “El Chapo” Guzman kaasi oo bishii Janaayo loo gacan geliyey dowlada Maraykanka.

Jimcihii lasoo dhaafay ayey sidan oo kale iska horimaad dhexmaray Booliiska deegaanka Sinaloa iyo maleeshiyaad hubeysan ay ku dhinteen 19 dablay ah.

Comments are closed