DAAWO Qatar oo dar dargelisay Mashruuc ay kusoo gadaneyso Xoolo badan

Cows in the dairy farm

Qatar (estvlive) 06/07/2017

Dowlada Qatar oo ay hada saaran tahay xayiraad ay kusoo rogeen dalalka Khaliijka oo ay hogaamiyaan Sacuudiga iyo Imaaraatiga.

 

Xayiraadan ayaa culeys weyn saartay Qatar oo inta badan cuntada ay ku nool yihiin ka keensan jiray Sacuudiga iyo dalalka kale ee Caalamka.

Turkey iyo Iran ayaa illaa iyo hada buuxiyey ganacsigii Qatar la lahayd dalalka jaarka la ah sida Sacuudiga, Turkida iyo Iraan ayaa xoojiyey cuntada iyo biyaha ay u diraan dalkaasi Qatar.

Dowlada Doxa ayaa dar dar gelisay mashaariic ay dooneyso inay uga kaaf toonto Caanaha iyo hilibka dibada looga keeno oo inta badan uga imaan jiray Sacuudiga. Qatar ayaa wada mashruuc ay ku soo dajisaneyso 4.000 (afar kun) oo lo’a ah oo laga soo gadayo dalalka Maraykanka iyo Australia kuwaasi oo lagu soo qaadi doono diyaarado waaweyn.

Xoolahan ayaa lagu xareyn doonaa xeryo casri ah oo laga soo saaro caanaha, hilibka iyo farmaajada.

Qatar ayaa qorshaheedu yahay inay soo gadato 10.000 oo kale oo xoolo ah oo u badan lo’a iyo ari kahor dhamaadka sanadkan si ay u xoojiso isku filnaashaheeda wax soo saarka dhanka xoolaha.

Comments are closed