Banaanbaxayaal gaaraya 100 kun ayaa la filayaa inay maanta soo gaaraan magaaladaasi uu shirka ka dhacayo.
Kusoo dhawaada Naarta
Banaabixii xalay ayey ka qeyb qaadanayeen 12.000 qof, waxayna siteen boorar ay ku qoran yihiin “kusoo dhawaada Naarta”; erayadaasi oo ay ku muujinayaan rabshadaha ay doonayaan inay ku khal khal geliyaan wafuuda ka qeyb galaysa shirkada G20.
Rabshadaha ayaa bilowday kadib markii booliiska ay horjoogsadeen banaanbaxayaasha, isla markaana ku amreen qaar badan oo kamid ah oo afka soo duubtay inay wajiyadooda furaan, taasi oo ay diideen dadka mudaharaadka waday.
Inkastoo qaban qaabiyayaasha banaanbaxaasi ay sheegeen in la baajiyey socodkii ay doonayeen inay ku maraan magaalada, ayaa hadana kooxo xagjiriin ah oo kamid ah kuwa banaanbaxayey ay bilaabeen rabshado iyo weerar ay la beegsanayaan askarta booliiska.
Kooxahan ayaa ku doodaya in dalalka horumaray ay caburin ku hayaan dadka saboolka ah iyo dunnida soo koreysa, waxayna kasoo horjeedaan qaabka uu u dhisan yahay hada ganacsiga adduunka iyo isku dheeli tir la’aanta caalamka ka jirta, waxaana la filayaa inay sii wadaan mudaharaadkooda labada maalmood ee uu socdo shirka G20.
Haweenayda Hogaamisa Germany ee Angela Merkel ayaa wakhti badan gelisay shirkan oo ay dooneyso inuu u dhaco qaab wanaagsan, kahor inta aysan doorashada gelin bilaha soo socda.
Booliiska Hamburg ayaa sheegay inay heegan geliyeen 20.000 askari, isla markaana ay diyaarsadeen bakhaaro ku yaal magaaladaasi oo ay ka dhigeen xabsiyo si kumeel gaar ah loogu xiro dadka ay qabtaan, maadaama kumanaan kun oo banaanbaxayaal ka yimid dalal kala duwan ay isugu yimaadeen magaalada Hamburg.
Comments are closed