Siilaanyo : Dadkan leh madaxweynaha ayaa xanuunsanaya, waxaan leeyahay wax ka jira ma jiraan

Hargeysa (estvlive0 07/07/2017

Tan iyo intii madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo safarka labadda todobaad qaatay ku tagay wadanka Imaaraadka Carabta waxa siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood sheegeen inuu madaxweynuhu arrimo caafimaad u joogo wadankaasi, islamarkaana lagu dabiibayo.

Sidoo kale, meelaha dadweynuhu ku kulmaan waxaa lagu hadal hayey in madaxweynuhu arrimo caafimaad u joogo wadanka Imaaraadka, inkastoo wasiiradda iyo afhayeenka madaxweynuhuba arrintaasi beeniyey,isla markaana ay sheegeen in arrimo shaqo iyo mid fasaxba uu u joogo.

Hasse ahaatee, madaxweyne Siilanyo ayaa isna ka jawaabay hadaladda siyaasiyiinta xisbiyadda mucaaradka kaga hadlayaan caafimaadkiisa, waxaanu sheegay inuu caafimaad qabo,isla markaana beeniyey arrintaasi caafimaadka ee lagu eedeynayo.

“Waxaan joognaa dalka Imaaraadka Carabta waan caafimaad qabnaa aad iyo aad baan u wanaagsanahay dalkiina si dhakhso ah ayaan ugu soo laaban doonaa insha’Allaahu tacaallaa”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

Mar uu ka hadlayey siyaasiyiinta wax ka sheegaya caafimaadkiisa, waxaa uu yiri “ dadkan leh madaxweynaha ayaa xanuunsanaya markaan baxaba waxaan leeyahay wax alle wax ka jiraa ma jiraan Ilaahay baa caafimaadka haya waana caafimaad qabaa waanna wanaagsanahay”.

Comments are closed