Golaha Wasiirada ayaa kulan la qaatey qaar kamid ah madaxda shirkadaha Xalen ku shaqeysta waxaana ay ku waregeliyeen in laga doonayo in ay bixiyaan canshuurta dalka ama ha ahaato mid dadban ama mid toos ah.
Xarunta Xalane ayaa hadda u ah shirkadaha shisheeye “Tax havens”, kuwaas oo dalalkoodina canshuurta kala soo baxsadey Soomaaliyana aan siin, maadaama ay degan yihiin xarunta Xalane ee la is weydiinayo in ay Soomaaliya ku taal iyo in kale.
Wasiirka Shaqada & Shaqaalaha Soomaaliya ayaa u sheegay madaxda shirkadaha Xalane ka hawlgala in aysan ka sii shaqeyn doonin dalka haddii aysan u hoggaansamin shuruucda.
Cabdiraxmaan Cumar Yariisow ayaa saxaafadda u xaqiijiyey in shirkadahaas laga doonaayo in ay bixiyaan canshuurta sida uu ahaa ballan qaadka Xukuumadda Kheyre iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi.
Comments are closed