Bandow lagu soo rogay qeybo ka mid ah dalka Kenya

Kenya (estvlive) 09/07/2017

Wararka naga soo gaaraya dalka Kenya ayaa sheegaya in Bandow lagu soo rogay qaar ka mid ah magaalooyinka dhaca gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Saraakiisha laamaha amniga dalkaas ayaa sheegay in magaalooyinka Bandowga lagu soo rogay ka mid yihiin Gaarissa, Lamu iyo Tana river, waayadii ugu danbeeyay ay ku sii xoogeysanayeen weerarada ay soo qaadaan xoogagga Al-shabaab.

Saraakiisha ayaa sheegay in sababta Bandowgan loo soo rogay tahay xaqiijinta nabad-galyada deegaanndaas si looga hortago weerarada Al-shabaab oo joogta ka noqday dalka Kenya.

Bandowga ayaa socon doona ilaa iyo inta laga xaqiijinaayo amniga guud ahaanba magaalooyinkan uu ka dhaqan-galay.

Shalay ayeey aheyd markii meydadka 9 ruux oo la gowracay laga helay magaalada Lamu ee dalka Kenya.

Xarrakada Al-shabaab oo sheegata weeraradan ayaa ku hanjabaya in ay sii wadi doonaan inta ciidamada Kenya laga saarayo Soomaaliya.

Comments are closed