Ciidamada Puntland Oo Guulo Ka Sheegtay Weerar ay Ku Qaadeen Al-shabaab

Garoowe (estvlive) 09/07/2017

Ciidamadda Amniga Puntland ee PSF ayaa sheegay in weerar ay ku qaadeen saldhigyo maleeshiyaadka Al-shabaab ay ku lahaayeen buuralayda Cal- Madow ay ku dileen 18 Al-shabaab, islamarkaana ay burburiyeen saldhigyadii ay ku lahaayeen degaankaasi.

War Qoraal oo Ciidamada PSF ay soo saareen waxay ku sheegeen in ay burburiyeen talisyo ay ururka Al-shabaab ku lahaayeen degaanadda Madarshoon, Diindigle, biyo Madow iyo Mariidle ee buuraha Cal Madow

 

“Ciidanka Amniga Puntland (PSF) oo afartii maalmood ee la soo dhaafay ka waday Buuraha Cal madow hawlgalo sifayn ah oo ka dhan ah ururka argagixisada Al Shabaab ee ku dhuumalaysta Buuraha Cal Madow, Puntland, ayaa gaaray guulo muhiim ah, kadib markii ay burburiyeen talisyo ururka Al Shabaab ku lahaayeen aaggaga Madarshoon,Diindigle,Biyo Madow iyo Mariidle ee Buuraha Cal Madow” ayaa lagu yiri qoraalka ay ciidamada PSFta.

“Bartilmaameedka hawlgalkan ciidanka #PSF ay fuliyeen ayaa ahaa goobo ay ururka argagixisada Al Shabaab kaga sugnaayeen Buuraha Cal Madow, waxayna ciidanka PSF weerarkan ku dileen 18 ka tirsan ururka argagixisada Al Shabaab oo ay ku jireen saraakiil; sidoo kale ciidanku waxay hawlgalkaas ku gubeen kaydadkii labadaas saldhig oo ay yaaleen raashin,hub,rasaas iyo daawooyin”

Ciidamadu PSF waxay sheegeen inay sii wadayaan howlgaladda lagaga sifaynayo maleeshiyaadka ururka Al-shabaab buuralayda Cal-madow, iyadoo ciidamadu ay hadda gaareen degaanadii ugu dambeeyay ee Maleeshiyaadka Al-shabaab u ahayd saldhigyada ay kaga soo duulaan ciidamadda puntland fadhiya degaanka Galgala ee gobolka bari.

Maleeshiyaadka ururka Al-shabaab oo ka howlgala buuraha Cal-madow ayaa 8 bishii june waxay weerar gaadmo ah oo ku qaadeen saldhigyo milateri oo dowladda Puntland ku lahayd deganaka Af-urur ku dileen dad ka badan 50 qof oo isugu jiray Askar iyo dad rayid ah.

Comments are closed