Guddiga doorashada ayaa sadexdan murashax ka reebay inay doorashada ka qeyb galaan iyagoo eedeynmo kala duwan u jeediyey murashaxiintaasi.
Hay’adaha u dooda xuquuqul Insaanka sida Amnesty International ayaa sheegay in xukuumada Madaxweyne Paul Kagame ay cadaadis xoogleh ku heyso ururada mucaaridka ah.
Tartanka Madaxweynaha Rwanda waxaa sanadkan ka qeyb geli doonaan Madaxweynaha xilka haya Paul Kagame oo dalkaasi kasoo talinayey tan iyo sanadkii 1994 iyo labo murashax oo kale oo kala ah; Frank Habineza (hogaamiyaha xisbiga kaliya ee mucaaridka ah Democratic Green Party) iyo Murashax madax banaan oo lagu magacaabo Philippe Mpayimana.
Waxaa si weyn loo saadaalinayaa in doorashadan uu markale ku guuleysan doono Madaxweyne Paul Kagame oo wadankaasi soo hogaaminayey 23kii sano ee lasoo dhaafay. Inkastoo Kagame wax weyn ka qabtay dalkaasi sida dhaqaalaha iyo horumarka, ayaa dhinaca kale lagu eedeeyaa cadaadid iyo caburin uu ku hayo mucaaridkiisa.
Comments are closed