Tababar Loo Qabtay Shaqaalaha Schoolada Quudinta Leh Ee Gobolka Faafan Oo Lasoo Gabagabeeyay

Jigjiga (estvlive) 09/07/2017

Tababar loo qabtay shaqaalaha cuntada ee schoolada quudinta leh ee  gobolada faafan  islamarkaana ujeedadiisu ahayd sidii fahan buuxa looga siin lahaa nidaamka cunta karida iyo fayadhowrka loona ilaalin lahaa nadaafada dugsiyad  ayaa ka lagusoo gabagabeeyay hoolka shirarka ee xafiiska waxbarshada DDSI.

 

Hadaba xidhitaankii tababarkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad, agaasinka waaxda kormeerka iyo xaqiijinta tayada waxbarashada DDSI mudane Cabdixakiin Maxamed Cali iyo qaar kaimd ah shaqaalaha waaxda Kormeerka iyo xaqiijinta tayada waxbarashada waxaana ugu horayn ka hadlay tababarkan Wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad Oo Sheegay in tababarka ujeedadiisu yahay sidii loo ilaalin lahaa nadaafada cunto iyo mida fayadhawr ee dugsiyada maadaama nadaafadu tahay mid muhiim ah islamarkaana ka hortagayso xanuuno badan.. Sidoo kale wuxuu wasiiku kukla dardaarmay tababar qaatayaasha inay tababarka faaiidadiisa ka dhaqangaliyaan dugsiyada aya kala yimaadeen.

Sikastaba ha ahaatee xafiiska waxbarashada DDSI ayaa wada dadaalo uu kor oogu qaadayo tayada waxbarashada ee deegaanka iyadoo waaxda kormeerka iyo xaqiijinta tayada waxbarashada ee xafiiska waxbarashada DDSI sidii loogu talagalay ufilyaan waxqabadka loo idmay inay qaybtaan islamarkaana ay doonayaan inay ka midha dhaliyaan dadaalka uu xafiisku rabo inuu sii xoojiyo tayada waxbarashada ee deegaanka.

ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah tababar qaatayaasha oo sheegay inay waxbadan ka faaiideen tababarkan islamarkaana ay si fiican ooga dhaqan galin doonaan goobihii ay kala yimaadeen.

Comments are closed