Mashruuca Taakulada Ciidanka Qalabka oo Muqdisho Lagu Daahfuray

Muqdisho (estvlive) 09/07/2017

Waxaa habeenkii xalay lagu qabtey magaalada Muqdisho munaasabad lagu daahfuray mashruuca taakulada ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

 


Munaasabadda waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xiran dharka tuuraha ah, Afhayeenka Aqalka Sare ee Soomaaliya, Raysalwasaaré Xasan Cali Kheyre iyo kuxigeenkiisa Khadar, Wasiiro, Saraakiisha ciidanka yo weliba guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit.

Mashruuca taakulada ciidanka, ayaa ahaa talooyin ka yimid waxgaradka Soomaaliyeed, waxaana taabo gelintiisa lahaa Raysalwasaare Xasan Cali Kheyre. Mashruuca ayaa halku dhig looga dhigay, Daryeelka Ciidanka waa daryeelka iyo difaaca sharaftaada.

Waxaa habeenkii xalay munaasabadda taakuleynta ciidanka looga dhawaaqey guddi ka kooban laba xubnood oo kala ah Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo kamid ahaa guddigii abaarta iyo Gen. Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac yare).

Goobta ayaa looga dhawaaqey lacago ciidanka loogu deeqay waxaana ugu horeeyey guddoomiyaha gobolka Banaadir oo sheegay in degmooyinka gobolka Banaadir ay ku deeqeen 8 000 oo dollar, waxaana raacay dad kale oo ay ka mid ahaayeen haween iyo qubojoog ku dhawaaqey lacago deeq ah.

Qorshahan ayaa waxa uu yahay in shacabka Soomaaliyeed ay bixiyaan musharka ciidamada qalabka sida.

R/Wasaare Khayre “Calanku ma taagnaan karo oo cirka kama babban karo haddaanu ciidan ku tiirsanayn”.

Raysalwasaare Xasan Cali Kheyre oo munaasabadda ka hadley ayaa sheegay, in ummadda Soomaaliyeed laga doonaayo in ay ka qaybqaataan dhismaha ciidanka qalabka sida, waxaa la doonayaa in shakiga meel la iska dhigo ayuu yiri Kheyre. Ciidanka ayuu ku tilmaamey in ay yihiin kuwa nabadda lagu fadhiyo horseeday.

“Ciidankeenu wuxuu lahaa cudud adag, wuxuu lahaa tababar fiican, wuxuu lahaa niyad fiican, wuxuu lahaa waxyaabo aanay laheyn ciidamada afirika oo ah geesinimo iyo dhiiranaan adag oo ilaalhay siiyey. Wuxuu kaalin ka geystay olohihii hirgelinta AfSoomaaliga ee sanadkii 1974-kii, sidoo kale waxay gurmad u fidiyeen dadkii ay ku dhacday abaartii dabadheer oo ciidankeenu muujiyey qiimaha ay shacabkiisu leeyihiin”ayuu yiri R/Wasaaraha oo intaas raaciyey.

“Maanta waxaan nahay dal dhan oo aan lahayn ciidan dhisan oo hadduu cadowgu ku soo duulo markuu rabo qabsan karo. Waxaanu nahay dal idil oo difaaciisa cirka, badda iyo berigaba ay ka dayacan yihiin. Calanku ma taagnaan karo oo cirka kama babban karo haddaanu ciidan ku tiirsanayn, kalsoonida bulshadu ma dhismayso haddii ayan ku hurdin ciidan difaaca, cadowgu ma soo hunguriyeysanayo ciidda dal leh ciidan daryeelan oo cudud iyo tayo leh. Ayuu raaciyey.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo gunaanadkii munaasabadda ka hadlay ayaa ugu baaqay bulsho weynta Soomaaliyeed in ay ka soo qeyb qaataan dhismaha ciidanka qaranka, wuxuna hoosta ka xariiqay in dhaqaalaha ay soo uruuriyaan uu geli doono gacan aamin ah oo gaarsiin doonta ciidamadda u taagan difaaca dalkooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa digreeto ku magacaabay guddiga Taakuleynta Ciidamadda Qaranka, kuwaas oo madax u yihiin dad bulshada dhexdeeda sumcad ku leh, la aamini karo, isla markaana horey loo tijaabiyey.

Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxaa lagu soo bandhigay dad Soomaaliyeed oo dhaqaale ugu yaboohay difaaca dalkooda, waxana hadallo ka jeediyey xafladda intii ay socotay Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Culimo,udiin, saraakiil iyo haween Soomaaliyeed oo dhamaantood ku dheeraaday taageerada ay u baahan yihiin ciidanka qaranku iyo in arrintaa meel looga soo wadajeesto, iyadoo fannaaniinta Qurba-joogtu ay soo bandhigeen heeso ka turjumayey munaasabadda.

 

Comments are closed