Madaxweyne Cabdi oo Sharaxaad ka Bixiyay Qorshaha Deegaanka 2010.T.I

Jigjiga  (estvlive) 11/07/2017

Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar mas’uuliin uu hogaamin ayaa maanta xadhiga kajaray Qorshaha deegaanka ee 2010 Tirsiga Itoobiya.

Hadaba Qorshaha Sanadka 2010 Wuxuu kaga duwan yahay kuwii hore wuxuu yahay mid Lagaga midho dhalinayo si loo gaadho isku filnaansho dhab ah waxaana halkaasi Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi sharaxaad dheer uu ka bixiyay istaraatajiyadaha horumarineed Qorshaha sanadkan uu noqon doono mid taaba gala islamarkaana laga Miro dhaliyo.

Mas’uuliinta ka soo Qeybgalay ayaa aad ugu farxay sida uu madaxweynaha DDSI ugu sharxay waxeyna ballan qaadeen Mas’uuliinta DDSI in ay ka soo bixi doonaan islmarkaana ay ku dadaali doonaan in ay hirgaliyaan Qorshaha 2010 si ay isku Filnaansho ay u gaaraan Shacbaka deegaanka Somalida itoobiya.

Waxaan idin ku faahfaahin doono wararka dambe hadii alle Ogolaado Madaale Jigjiga www.estvlive.com estvnews@hotmail.com

Comments are closed