Ra’isul wasaare Haider al-Abadi ayaa Isniintii si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay dib ula wareegeen magaalada Mosul, kadib 3 sano oo ay magaalada maamulayeen maleeshiyada Daacish.
Khudbad laga sii daayey telefishinka oo uu Abdi ka jeediyey qeybta qadiimiga ah ee magaalada ayuu ku sheegay in guushani ay tahay mid soo afjartay cadawnimada argagixsida.
Millatariga Mareykanka ayaa soo dhaweeyey hadalka ra’isulwasaaraha Ciraq, balse sheegay in ay wali jiraan meelo ka mid ah magaalada Mosul oo u baahan in wali laga nadiifiyo miinooyin iyo maleeshiyo ka tirsan Daacish oo ay u badantahay in ay dhuumaaleysanayaan.
Comments are closed