Kulankaasi qarsoodiga ahaa ayaa la sheegay inay sidoo kale ku sugnaayeen Wiilka uu sodoga u yahay Trump ee Jared Kushner iyo Guddoomiyihii guddiga ololaha doorashada u qaabilsanaa Trump. Waxaana la sheegay in kulankaasi ay doonayeen inay kooxda Trump ay kala kaashadaan haweenaydan Ruushka ah ama Dowlada Ruushka inay ka caawiyaan ololihii ay kula jireen Murashaxadii la tartameysay ee Hillary Clinton.
Arrintan ayaa muhiim ah maadaama Ruushka la sheegay inuu ka danbeeyey weerarkii lagu jabsaday computerada Xisbiga Dimuquraadiga oo ay mataleysay Hillary Clinton iyo waliba qaar kamid ah kaydka diiwaangelinta codbixiyaasha, weeraradaasi oo keentay in xog badan oo sir u ahaa Hillary Clinton xisbigeeda lagu shaaciyey shabakada Wikileaks. Taasi oo la rumeysan yahay inay qeyb weyn ku lahayd guuldaradii Mrs.Clinton iyo guushii Trump.
Trump jr. oo ah wiilka uu dhalay Madaxweynaha ayaa qaab is khilaafaya uga jawaabay xogtan ay shaacisay jariirada New York Times. Wuxuuna markii hore sheegay in aysan ka wada hadlin haweenaydaasi Ruushka ah arrimaha Mrs.Clinton.
Wuxuuna wiilka Trump shaaciyey Emailadii ay is dhaafsadeen xubnihii kulankaasi ka qeyb galay, xogtaasi oo ay ka muuqato in kooxda Trump ay baadi goob ugu jireen fadeexad ama sirta xisbiga Dimuquraadiga taasi oo muujineysa inuu jiray xiriir ka dhaxeeya kooxda Trump iyo Ruushka oo ku aadan arrimaha doorashada.
Comments are closed