Dowladda Federaalka oo sheegtay inay Gacanta ku dhigeen Dadkii Ka Dambeeyay Qarixii Muqdisho

Muqdisho (estvlive) 13/07/2017

Saraakiisha ciidamada Ammaanka ee dowlada federaalka  ayaa sheegay in gacanta lagu haayo Ragii waday Gaariga ku Qarxay deegaanka Siinka Dheer ee Magaaladda muqdisho maalintii shalay

Saraakiisha waxay sheegeen inay ku guulaysteen in Gaarigaan ay qabtaan ka hor inta uusan Qarxin taasi oo keentay inuu yaraado Khasaaraha Qaraxa, islamarkaana ay wadaan baaritaan dheeraad ah.

 

Saraakiisha dowladu kama hadlin tiradda dadka loo qabtay qaraxaasi, hase yeeshee waay sheegeen in Gaariga Qarxay lagu soo raray Dhuxul isla markaan lagu soo dhex qariyay waxyaabaha Qarxa.

Ilaa saddex qof oo rayid ah ayaa ku geeriyootay qaraxaasi, tiro kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray, kuwaasi oo lagu dabiibayo cusbitaalada muqdisho

Ciidanka Ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa wada howlgalo balaaran ay ku doonayaan inay kaga hortagaan dhibaatooyinka Al-Shabaab ay u gaystaan Shacabka Soomaaliyeed.

Comments are closed