Kismaayo: Kullan Isbarasho oo Dhexmaray Gollaha Wasiiradda Federaalka Iyo Jubbaland

Kismaayo (estvlive) 13/07/2017

Kullan hordhac ah ayaa dhexmaray gollaha wasiirada xukuumadda federaalka oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo gollaha wasiiradda ee jubbaland oo uu horkacay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Modoobe, wuxuuna ka dhacay magaaladda kuslaamyo

Ra’iisul Wasaaraha oo furay shirkan ayaa u mahadceliyey Madaxweynaha Jubbaland, ku xigeenadiisa, xubnaha wasiirada iyo shacabka Jubbaland sida sharafta leh ee loo soo dhoweeyey. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shirkan uu hordhaca uu yahay mid isbarasho iyo in Wasiir walba oo Federaalka ah uu waqti xogwareysi gaar ah la qaato wasiirada Jubbaland oo ay ka wada hadlaan xiriirka iyo wadashaqeynta.

 

Madaxweyne Axmed Madoobe oo soo dhoweeyey Ra’iisul wasaaraha, ku xigeenkiisa iyo wasiirada Federaalka una sheegey in Jubbaland ay aad ugu faraxsantahay in shirka Golaha Wasiirada Dowlada Federaalka uu ka qabsoomo magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland.

Ra’iisul Wasaaraha iyo gollihiisa wasiiradda oo booqday dekeda weyn  ee Magaaladda kismaayo wuxuu sidoo kale sheegay in kulanka Golaha Wasiirada ee ka dhacaya Kismaayo uu yahay mid taariikhi ah oo ujeedadiisu tahay in Dowladnimada loo dhoweeyo shacabka deegaanada dalka oo dhan.

Comments are closed