Shirka Gollaha Wasiiradda Federaalka oo Kismayo Ka Furmay
Kismaayo (estvlive) 1/07/2017
Waxaa goor dhow magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland si rasmi ah uga furmay shirka gollaha Wasiiradda xukuumadda Federaalka, oo markii u horraysay lagu qabtay meel ka baxsan caasimadda Muqdisho
Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxman Yariisow ayaa sheegay shirka maanta ka dhacaya magaalada Kismaayo inuu yahay shirkii caadiga ahaa ee Todobaadkiiba mar ay isugu imaanjireen Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda, wuaxuu sidoo kale xusay in shirkaan uu ka dhiganyahay in dowladdu ay u sii dhowaanayso shacabkeeda.
mudada ay joogaan, Waxaa kaloo jiri doona kulamo gaar gaar ah oo R/wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirrada ay la yeelan doonaan masuuliyiin ka tirsan dowlad Gobaleedka Jubbaland iyo sidoo kale qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Ra’isul wasaare khayre oo ka hadlay muhiimada shirka gollaha wasiiradda ee kismaayo wuxuu tilmaamay inay muujinaysi midnimo iyo in dawladdu ay diyaar u tahay shacabkeedu inuu la xisaabtamo, waxaan Kismaayo ku qabanaynaa shirka Golaha Xukuumadda taas oo muujinaysa sida ay nooga go’an tahay buu yiri in hoos loo eego deeganada iyo dawlad gobolleedyada xubnaha ka ah dowladd federaalka.
Comments are closed