Guddiga A dibadda baarlamaanka Soomaaliya oo walaac ka qaba go’aanka dowladda ee Khilaafka Khaliijka

Muqdisho (estvlive) 14/07/207

Guddiga arrimaha dibadda baarlamaanka Soomaaliya ayaa muujinaya walaaca ay ka qabaan go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ay ka qaadatay khilaafka ka dhax taagan wadamada Khaliijka, kaddib qoraal uu gudiga u diray xafiiska madaxweynaha.

Qoraalkana oo la sheegay in maalintii shalay la gaarsiiyay xafiiska madaxweynaha ayaa ku baaqaya in dowladda dib uga fiirsato go’aankaas, isla markaana dood laga furo, dowladdana wada tashi la yeelato siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada golaha shacabka, si loo mideeyo ama la isku soo dhoweeyo mowqifka dowladda, taasoo yareyneyso in khilaafka Khaliijka uu saameyn ku yeesho xasiloonida dalka iyo danta shacabka ee xiriirka ay la leeyihiin labada dhinac.

Qaar ka mid ah Madaxda maamul goboleedyada, Senator ka tirsan Aqalka sare ayaa dowladda Federaalka ayaa qaarkood si toos iyo si dadban uga hadlay go’aanka dowladda ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka, iyagoo soo jeediyay in dib uga fiirsato dowladda mowqifka dhex dhexaadnimada ah.

Hoos ka Akhriso qoraalka :

Comments are closed