Tillerson ayaa ka gaabsaday in uu ka jawaabo su’aalooyin la weydiyey kaddib marki uu soo dhamaaday kulankiisii ugu danbeeyey ee uu la yeeshay amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani, ka hor inta uusun usoo duulin magaalan Washington.
Xog-hayaha arrimaha dibada Mareykanka, ka hor inta uusan la hadlan amiirka Qatar, wuxuu Arbacadi magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga kula soo kulmay diblamaasiyiin ka socoda dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar.
Socdaalkiisa afarta maalmood qaatay ee uu ku tagay dalalka Khaliijka Rex Tillerson ayaa loo arkaa inuu kala soo laabtay rajo aanan badneyn ooo dhinaca diblamaasiyadda ah.
Comments are closed