Hadaba Hogaamiyaha kooxdan wareegta ee qalitaanka indhaha mudane Cabdulaahi Xambali ayaa sheegay in uu adeegani Bilaashka ah ee qaliinka iyo daawaynta indhaha ee caafimaadka DDSI uu ka bilaabmay degmada ma,eyso islamarkaana looga faaiidayn doono bulsha aad tira badan oo isugu jira qaliin, daawayn iyo muraayado. Iyadoo wakhti xaadirkana lagu jiro tijaabadii hore ee qof walba sida uu wax ooga qabo lagu ogaan lahaa. Waxuuna intaa ku daray inuu adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah uu maalmahan kasii socon doono degmada ma,eyso ee gobolka siti.
Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah bulshada loo samaynayo adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah ee degmada ma,eyso iyo nawaaxigeeda oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin adeegan ay xukuumadu ufilisay. Waxayna intaa ku dareen inay aad oogu mahadsanyihiin XDSHSI iyo Xukuumada keentay adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah.
Comments are closed