Turkiga oo laga xusaayo sanad guuradii kowaad ee Inqilaabkii dhicisoobay

Turkiga (estvlive) 15/07/2017

Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqdey in 15 Luuliyo ay tahay maalin fasax qaran, waxaana dalkaas maanta laga xusaayaa sanad kadib inqilaabkii fashilmey

 

Maantey oo sabti ah waxaa dalka Turkiga ka dhacaya xaflado kala geddisan oo lagu xusaayo guushii shacabka Turkigu gaareen kadib markii ciidanka Mileterigu isku dayeen in ay inqilaabaan Madaxweyne Rajab Tayib Erdogan maanta oo kale sanadkii hore 2016.

Turkiga ayaa ku dhawaaqey in maanta 15 Luuliyo ay tahay maalin fasax ah oo qaranku lee yahay taas oo xuskeeedu soo noq-noqonayo sanad kasta laguna xusaayo guusha dimoqraadiyadda iyo midnimada Turkiga iyo fashilkii inqilaabka.

Inqilaabkii dhicisoobey ee 15 Luuliyo 2016 waxaa ku dhintey dad ka badan 249 qof, waxaana uu ahaa dhigii ugu badnaa ee ku daata dalka Turkiga muddooyinkan, kadib markii ciidamadu ay dariiqyada ula soo baxeen dabaabadaha, diyaaradaha dagaalkana ku weerareen aqalka Baarlamaanka iyo goobo kale oo Dowli ah.

Inqilaabka ayaa sabab u noqdey in awooda Madaxweynaha Turkiga kor loo qaado, kadib amrkii wax laga beddalay dastuurka. Sidoo kale Inqilaabka fashilmey ayaa la yimid in kumaankun qof xabsiyada loo diro kumaankun kalena ay shaqadoodi ku waayaan.

Inqilaabkii fashilmey ayaa lagu eedeeyey saaxiibkii hore ee Erdogan wadaadka la yiraahdo Fethullah Gulen oo magangelyo ku jooga dalka Maraykanka.

Comments are closed