10kii bishan Luulyo ayey ahayd markii la jabsaday barta twitterka ee warbaahinta Al Alam, waxaana lagu daabacay warar been ah oo la xariira wadahadalka ka dhaxeeyey Madaxweynaha Iran Xasan Rouhani iyo Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.
Wararkaasi ay kooxda jabsatay ku daabacday barta twitterka ee warbaahinta Iran ayaa lagu sheegay in Iran ay saldhig militari ka sameysan doonto dalka Qatar.
Jaraa’idka iyo warbaahinta dalka Sacuudiga ayaa warkaasi sii faafiyey, arrintaasi oo ay IRAN sheegtay inay cadeyn u tahay in weerarka lagu soo qaaday Twitterkooda ay ka danbeyso dowlada Sacuudiga.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xili saraakiisha sirdoonka Maraykanka ay todobaadkan warbaahinta u sheegeen in weerarkii internetka ee lagu qaaday Warbaahinta dowlada Qatar bishii May ay ka danbeysay dowlada Imaaraatiga, warar kooxdaasi ku daabacday warbaahinta Qatar ayaa sabab u ahaa go’aankii deg degta ahaa ee xulafada Sacuudiga kusoo rogeen Qatar
Comments are closed