Barnaamijka dhismaha Gantaalada iyo taageerada kooxaha ka dagaalamaya Siiriya & Yemen ayaa kamid ah khal khalka amniga oo ay Iran ku heyso dalalka bariga dhexe ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Arrimaha dibada ee Maraykanka.
18 qof iyo hay’adood oo hoos taga dowlada Iran ayaa la sheegay in xayiraadan la saaray, waxaana si gaar ah loola beegsaday Taliska Militariga Iran iyo shirkadaha ku lug leh Mashaariicda hubka casriga ah ee IRAN sameysaneyso.
Cunaqabateyntan ayaa sidoo kale la doonayaa in lagu xanibo in Iran laga iibiyo barnaamijyada Softwareka ay dooneyso inay ku rakibto hubkeeda sida diyaaradaha duuliyaha lahayn ee Drone-ka oo la sheegay in aqoonteeda ay inta badan ka xadeen Maraykanka iyo dalalka kale ee reer Galbeedka.
Cunaqabateyntan ayaa lagu soo beegay maalin kadib markii Maraykanka qiray in heshiiskii Nukliyeerka Iran ay xukuumada Tehran sidii la rabay uga soo baxday, balse Maraykanka ayaa weli walaac ka muujinaya barnaamijka Gantaalada Iran.
Baarlamaanka Iran oo ka jawaabaya warka kasoo baxay Washington, ayaa iyaguna taageeray in sare loo qaado miisaaniyada mashaariicda soo saarka hubka gaar ahaan gantaalada dowlada IRAN sameysaneyso.
Wasiirka arrimaha dibada ee Iran ayaa isaguna sheegay in IRAN dhankeedana ay cunaqabateyn saari doonto shirkadaha iyo shaqsiyaad ka tirsan dowlada Maraykanka.
Comments are closed