Wasiirka Amniga gudaha Maxamed Abuukar Ducaale Islow wuxuu sheegay in Hey’adda NISA loo deyn doono howsha ay u xil saaran tahay oo ah sirdoonka Qaranka, qayb ka mid ah shaqadeediina loo wareejin doono  ciidamada gaarka ah ee la dhisayo kuwasoo ka shaqeyn doono xoojinta amniga caasimadda, isagoo shacabka ka codsaday inay gacan siiyaan ciidamada nabadgelyada.
“Waxaan rabaa inaan warka ku soo gabo gabeeyo, ciidamada NISA dharcad ayay ahaan jireen, laakiin hadda ma ahan, marka hore waxaan dhiseynaa ciidamo boolis ah iyo sidoo kale ciidamo gaar ah oo qaabilsan amniga, wixii markaasi ka dambeeya waxaan sameyneynaa in NISA mustaqbalka dhaw ay noqdaan dharcad, si aan loo arkin gaadiid ku buufsan NISA†ayuu yiri Wasiirka Amniga gudaha.
Dhinac kale, Wasiirka amniga oo kullan la yeeshay qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed ee gobolka banaadir , kaasi oo looga hadlayay sidii ay haweenku uga qeyb qaadan lahaayeen sugidda amniga, waxaana inta uu socday la is weydaarsaday suurta galnimada in laga wada qeyb qaato sugidda Nabadgelyada.
Hay’adda NISA waxay hadda leedahay ciidamo badan oo sida milateriga u tababaran iyo gaadiid dagaal, inta badan waxay ka howlgalaan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda muqdisho.
Comments are closed