Xayiraada Israel saartay masjidka Al Aqsa dadka u cibaado taga ayaa ka danbeysay weerarkii Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay nawaaxiga Masjidka.
Sadex nin oo reer Falastiin ah ayaa Jimichii lasoo dhaafay weeraray koox ka tirsan ciidamada Isra’iil oo ku sugnaa mid kamid ah wadooyinka taga Masjidka, waxaana weerarkaasi ku dhintay 2 askari oo Isra’iili ah iyo waliba sadexda nin ee weerarka geystay oo ay toogteen ciidamada Israel.
Israel oo horey cadaadis ugu hayey dadka salaada u taga masjidka barakeysan ee Al Aqsa ayaa wadooyinka masaajidka taga ka sameystay isbaarooyin horleh oo dadka lagu baaro, iyagoona dib u celiya qofkii ay doonaan.
Ururka Fatax ee uu ka tirsan yahay Madaxweynaha Falastiin ee Maxmuud Cabas ayaa ku dhawaaqay mudaharaadyo looga soo horjeedo Israel. Waxaa iyaguna banaanbaxyo kale ku dhawaaqay ururada Xamaas iyo Islamic Jihad oo xoogooda ku sugan Gaza.
Habeenimadii xalay ayey mudaharaadyo rabshado wata ka dhaceen nawaaxiga masjidka Al Aqsa, ciidamada israel ayaa weerar kala hortagay dadkaasi banaanbaxayey, waxaana la sheegay in ugu yaraan 50 Falastiiniyiin ah ku dhaawacmeen rabshadaha halkaasi ka dhacay
Comments are closed