Xaflad Hadhimo Sharafeed Ah Oo Loo Sameeyay Qurba Joogta DDSI Ayaa ka Dhacday jigjiga.

Jigjiga (estvlive) 20/07/207

Xaflad hadhimo sharafeed ah oo loo sameeyay qaarka mid ah qurba joogta DDSI gaar ahaan  ka soo jeeda gobolka jarar ayaa ka dhacday huteelka nogob ee caasimada Deegaanka ee  magaalada jigjiga.

Waxaana ka soo qaybgalay xafladan masuuliyiin ay ka  yihiin  wasiirka xafiiska gaadiidka, ganacsiga iyo warshadaha DDSI ahna madaxa arimaha  XDSHSI  mudane khadar cabdi  ismaaciil, gudoomiyaha gobolka jarar mudane cabdi cali mataan iyo  qurba joogta u dhalatay deegaanka ee ka soo jeeda gobolka jarar  ee loo sameeyay hadhimo sharafeedka oo ka kala yimiday qaaradaha aduunka iyo waliba  qaaradaha  ganacsato iyo  odayaasha deegaanka.

 

Xafladan hadhimo sharafeedka ah oo soo diyaariyay  kuna casuumay qurba joogtan ganacsate Xuseen Ciise oo ka mid ah ganacsatada DDSI  ayaa ugu horayntii ka hadlay wasiirka ganacsiga, gaadiidka iyo warshadaha DDSI ahna madaxa arimaha xisbiga xurunta dhexe ee XDSHSI  mudane Khadar Cabdi Ismaaciil ayaa ugu horayntii uga mahad celiyay qurba joogta DDSI kaalinta ay ka gaysanayaan taaba galinta  isbadalka horumarineed ee deegaanka ka taaba galay  isaga oo ka warbixiyay sida DDSI ay uga go’antahay xukuumada DDSI  sii xoojinta xidhiidhka wanaagsan ee ay la leedahay qurba joogta deegaanka wasiirka ayaa intaasi ku daray fursadaha maalgashi ee uu deegaanku hodanku yahay in ay qurba joogta DDSI ka faa’iidaystaan islamarkaana ay maalgashadoon dhulkooda hooyo,

Dhankiisa gudoomiyaha gobolka jarar  mudane Cabdi  Cali Mataan ayaa soo dhaweeyay qurba joogta DDSI ee ka soo jeeda gobolka jarar imaatinka ay yimaadeen deegaanka si ay u arkaan isbadalka horumarineed ee deegaanka sida xawliga ah uga taaba galay isaga oo sheegay in sanadihii ugu danbeeyay laga hirgaliyay gobolka jarar mashaariico kala duwan oo dhinaca horumarka ah mashaariicahaasi oo waxwayn ka dabalay kor u qaaditaanka  nolosha bulshada gobolka jarar islamarkaana loo baahan yahay in ay maalgashadoon qurba joogta DDSI ee ka soo jeeda gobolka jarar  in ay  maalgashadaan gobolkooda iyo guud ahaanba deegaanka intiisa kale maadaamo oo uu deegaanku qani ku yahay fursadaha maalgashiga

Dhankooda qurba joogtan loo sameeyay hadhimo sharafeedka ayaa bogaadiyay waxqabadka xukuumada DDSI ee sanadihii ugu danbeeyay laga hirgaliyay deegaanka  gaar ahaan sida ay xukuumada DDSI diirada u saartay qorshayaasha muhiimka u ah wax ka badalka bulshada xoolo dhaqatada iyo xoolo dhaqato beeralayda iyo hirgalinta hanaanka maamulka saxarka tiran iyo horumarinta magaalooyinka waxayna balan qaateen in ay si buuxda uga qaybqaadanayaan hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee deegaanka islamarkaana maalgashanayaan deegaankooda.

Comments are closed