Labada beelood oo wada dega degmada ceel afweyn ayaa hore ugu dagaallamay dhul ay isku hayaan dabayaaqadii sannadkii hore. Dagaalkani wuxu salka ku hayaa dhul daaqsimeed ay isku hayaan labada beelood.
Wasiirka arimaha gudaha Somaliland, Yaasiin Maxamuud Xiir Fartoon, ayaa isna BBC-da u sheegay in xukuumaddu amartay ciidamada Somaliland inay khasab ku joojiyaan dagaalkaasi oo u gurmadaan.
Labadan beelood ee diriraya ayaa dabayaaqadii sannadkii hore la heshiisiiyey, hase ahaatee waxa wararka qaar sheegayaa in waxyaabaha dagaalkan hadda dhaliyey ay ka mid yihiin labada dhinac midkood oo aan sidii lagu heshiiyey u fulinin shuruudaha heshiiskii hore oo ay ka mid ahaayeen in magta dadkii dhintay lagu kala qaato wakhti cayiman soo sida muuqata haatan muddo dhaafay.
xigasho bbc
Comments are closed