Haddaba xafladan ayaa waxaa ka hadlay maareeye ku xigeenka wakaalada dakhliga DDSI mudane cabdifataax maxmaed cabdi oo sheegay in ay tahay imaatinka qurba joogta iyo la kulankood mid farxadeed oo muhiimna u horumarka iskaashiga ee xukuumada DDSI iyo qurba joogta deegaanka ka wadaan deegaanka isaga oo ku amaanay qurba joogta deegaanka sida ay wakhtigan kaalin muga leh uga qaadanayaan isbadalka horumarineed ee ka taabagalay deegaanka iyo ka qaybgalka hirgalinta mashaariicaha horumarineed ee heer qaran ee uu ka mid yahay mashruuca dib u curashada dalkeena ee biyo xidheenka ABAY wuxuuna ku booriyay qurba joogtan in ay sii xoojiyaan dadaalkood gaar ahaan dhinaca maalgashiga ay ka wadaan deegaanka
Dhankooda xubahan qurba joogta oo la hadlay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in imaatinka dhulkooda hooyo ay tahay sharaf iyo karaamo wadaniyadeed oo ay uga mahad naqayaan xukuumada hirgalisay in si nabadgalyo iyo horumar leh loogu naaloodo guud ahaan deegaanka soomalida itoobiya waxayna ugu siwayn ugaga mahad naqeen soo dhawaynta masuuliyiinta DDSI iyo shacabkuba la garab tagan yihiin qurba joogta DDSI.
Isku soo wada doob oo isbadalka horumarineed ee dalkeena itoobiya ku talaabsaday tobonaankii sano ee ugu danbeeyay ayaa waxaa qaybwayn ka ciyaarayay qurba joogta ka soo jeeda dalkeena itoobiya kuwaasi oo garab iyo gaashaan adag u ahaa muuqaalka itoobiyada cusub ee ku dhisan isjacay iyo wax wada qabsi wadaniyadeed waxaana xusid mudan in kaalinta ka qaybgalka horumarka qurba joogta dalkeena itoobiya si wayn uga dhex muuqdeen qurba joogta deegaanka soomali itoobiya kuwaasi oo muujiyay sida maanta ay u yihiin kuwa halbaw leh u ah itoobiyada cusub.
Comments are closed