Hadaba, kulankan qiimaynta ah ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay kusimaha wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI ahan agaasinka qorshaynta, qiimaynta iyo dabagalka ee isla xafiiska mudane maxamed ayaanle ayaa sheegay in ujeedada tababarkani tahay qiimayntii sanadlaha ahayd ee caadada u ahayd xafiiska . wuxuuna xusay in shirakani yahay mid lagu qiimayanayo waxqabadkii sanad miisaniyadeedka 2009 TI ee dhamaan hospitaalada deegaanka, isagoo tilmaamay kusimuhu in sidookale shirkan loogu diyaargaroobayo qorshaha waxqabadka sanadkan 2010TI, islamarkaana kasooqaybgalayaasha lagu barayo casharo kaladuwan oo kuqotama dhanka tayaynta adeeg bixinta hospitaalada iyo waliba barnaamijkan BSC.
Dhankooda, masuuliyiintii kasooqaybgalay shirkan ayaa sheegay in shirkan lagu kalaqaadanayo khibrado islamarkaana lasoo bandhigayo waxqabadka hospitaalkasta. iyadoo casharo kaladuwan oo muhiim u ahna lagu barayo.
Comments are closed