DAAWO Xildhibaan Faroole: Dastuurka Puntland waligiis waxba lagama badalin lagamana badali doono

Garoowe (estvlive) 26/07/2017

Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland, hadana  ah Senator ka tirsan aqalka sare ee Barlamaanka Federaalka  C/raxmaan  Sheekh Maxamed Farole ayaa ka hadlay qorshaha dowladda Puntland ee dib u furida dastuurka Puntland iyo axdigii  lagu dhisay  dowladda Puntland 1998dii

Faroole oo khudbad ka jeediyay munaasabad xariga laga jarayay dhismaha cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Garoowe , wuxuu weerar afka ku qaaday Wasiirka howlaha guud Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo uu ku eedeeyay inuu ka been-sheegay dastuurka Puntland kaasi oo wasiirku sheegay in dhowr jeer wax laga bedelay mark uu shalay ka hadlayay shirka qaar ka mid ah isimadda Puntland ee xalka loogu raadinayo tabashada Beesha Tanade ee awood-qaybsiga gollaha wakiiladda Puntland

 

Xildhibaan Faroole oo gacanta ku sitay nuqul ka mid Dastuurka Puntland, wuxuu sheegay in dastuurka Puntland uusan ku salaysnayn Qabiil, oo wax lagu qaybsaday degmooyin iyo gobolo, wuxuuna tilmaamay in ciddii wax ka maqan yihiin ay u raadsadaan gobolka ay ka soo jeedaa

“Dastuurka Puntland  Waxba waligii lagama badalin waa Been, maxaad ugu dhaqmi weydeen?. Dastuurka Puntland kuma dhisna Qabiil, wuxuu ku dhisanyahay Deegaan, markii halkan Garowe lagu dhisay Puntland deegaamo ayaa loo qaybshay, degmooyinkii markaa jiray ayaa lagu qaybshay gobolka Nugal 11 ayuu lahaa, Odaygii markaa shirka maamulayay Islaam Maxamed ayaa markii Bari qolo wax saluugta 1 ayaa laga gooyay Nugal oo lagu daray, Sanaag markii ay ku hishiin waayeen deegaanka dadka degan hal ayaa laga gooyay Nugal oo lagu daray Ceerigaabo ayuu raacay, Mudug iyo ciideeda Kilinka Shanaad xigta ee aan lakala saari karin 10 xubnood ayay lahaayeen deegaankaas hoos u daadagiisa Qabiil ayay ku qaybsadeen iyo deegaan waxay doonaan ha yiraahdeen,” Ayuu yiri Farole.

wuxuu  sheegay dastuurka Puntland uu dhigayo in xildhibaanadu ay yihiin 66 oo aan la kordhin karin ilaa laga helayo afti dadweyne, waxaa kaloo uu xusay  in isimadda iyo odoyaasha shirku uu uga socda garoowe ayan waxba ka khusayn arrimaha furista dastuurka oo ayan  wax shaqo ku lahayn.

“Odoyaasha halkan la isugu yeeray ee lasoo lugooyay Wax dastuur ka khuseeya oo galay ma jirto, hada ma fadhidaan waxba kuma lihidin, taladiinii waa dhammaatay Xildhibaano ayaa doorateen, Xildhibaanadii iyagaa mas’uuliyad saarantahay ,waxaan filayaa doorasho qof iyo cod ah inaan laga gaari karin, markaas ayaa la idiin imaanayaa suga dadka ha wareerinina,” ayuu yiri xildhibaan Faroole

Farole ayaa cidd tabashada qabtay u sheegay inay la xaalaan qabaa’ilka kasoo jeeda gobolkood, isagoo yiri “Reer Mudug hadii ay wax isaga maqanyihiin dib isugu noqda, Nugaalba waa la qaybiyaa waxbaa la isu celiyaa waa meerto, halkaas ka saxda wixii idin ka maqan.”

Cabdiraxmaan Farole ayaa sidoo kale soo hadal qaaday xilliga la furi karo Dastuurka Puntland, isagoo xusay in qodobka 60-aad uu dhigayo in la helo Afti dadweyne si dastuurka wax looga badalo.

“Dastuurkan waligiis waxba lagama badalin lagamana badali doono taas waa inaad ogaataan. Article-ka 60-ka ah waxa uu sheegayaa in 66 kaas qof lama kordhin karo ilaa la sameeyo Afti dadweyne, hade marka dadka la tirinayo doorasho ayaa la galaya oo Axsaab ayaa la samaynayaa,” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Farole.

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Gaas oo shalay ka qaybgalay shirka Isimadda ayaa sheegay in loo baahan yahay in la cusboonaysiiyo axdigii lagu dhisay Puntland, waxaa kaloo uu muujiyay sida uu doonayo in dib loo furo dastuurka Puntland oo la qanciyo beelaha wax ka tabanaya awood-qaybsiga Puntland, taasi oo uu ku raacay Wasiirkiisa Howlaha guud oo hore u ahaa guddoomiyihii Barlamaanka Puntland ee xukuumadda C/raxmaan Faroole.

Comments are closed