Komishineerka ayaa sheegay in komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuqa DDSI oo ka duulaya taaba galinta qorshayaasha horumarineed ee u dajisan xukuumada DDSI uu sanad miisaaniyeedkii 2009TI uu qabtay tababaro iyo wacyigalino ku saabsan Ka hortaga iyo cawaaqib cumada uu leeyahay musuqa, iyo waliba tabaha iyo xeeladaha lagula dagaalamo musuqa, kuwaasi oo loo qabtay qaybaha kala duwan ee bulshada sida dhalinyarada, haweenka, culimo awdiinka, iyo odayaasha deegaanka islamarkaana fahan buuxa laga siinayay dhibaatooyinka uu leeyahay musuqu iyo sida looga hortago musuqa si loo hirgaliyo suurta galiyo soo saarida bulsho ka madax-banaan oo aan u dulqaadan Karin musuqa.
Komishineerka oo hadalkiisa siiwata ayaa sheegay in sidoo kale tababaro iyo wacyigalinta ku saabsan ka hortaga iyo tir-tiritaanka musuqa loo qabtay hogaaminta heerarkeeda kala duwan sida hogaaminta sare, hogaaminta dhexe, hogaaminta hoose iyo shaqaalaha dawlada heerarkooda kala duwan si loo hirgaliyo qorshayaasha horumarka waara nabadgalyo waarta dimuqoraadiyay iyo maamul saxar tiran waxaa kale oo tababaro lasiiyay ayuu yidhi komishineerku sanadkan hadda dhamaatay macalimiinta iyo ardayda kuliyadaha deegaan kuwaasi oo la siiyay cashiro ku taxaluqa la dagaalanka iyo ka hortaga musuqa.
Sidoo kale waxa uu ka warbixiyay komoshineerku in sanadkan uu komishinku qaybiyay hadal-qoraalo, boostaro, nuqulo iyo joornaalo kuwaasi oo gudbinayo fariimo ka hadlaya dhibaatooyinka uu keeno musuqo iyo siyaabaha loola dagaalamo sidoo kalena la xoojiyay dhinaca xidhiidhka warbaahinta deegaanka iyo dalkaba sida ESTV, Jigjiga FM, EBC, iyo Radio faana kuwaasi oo bulshada looga gubiyay wacyigalin ku saabsan dhibaatooyinka uu leeyahay musuq maamuqu iyo sida looga hortaga. Komoshineerka ayaa sheegay in sanadkan komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuq maamuqa DDSI uu sameeyay daraasaad ku saabsan sida loo looga hortaga musuqa islamarkaana loo ogaado gol-dalooladiisa. Komishineerka oo siiwata hadalkiisa ayaa sheegay ay sanadkan soo galeen komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuq maamuqa DDSI kiisas iyo xogo ka dhan ah danbiyada musuqa kuwaasi oo la waafajiyay nidaamka sharciga.
Dhinaca kale waxa uu sheegay komoshineerku in komishinka anshaxa iyo la dagaalanka musuqa DDSI oo ka duulaya taaba galinta higalinta qorshayaasha horumarineed ee u dajisan xukuumada DDSI ee ku salaysan tir tirida saboolnimada iyo taaba galinta horumar waara oo aan soo noqod lahayn in uu sanadkan 2010TI komishinka anshaxa iyo ka hortaga musuq maasuqa DDSI xooga saarayo sidii aanu sarax musuq ah ugu dhicin fulinta qorshayaashasi iyada oo fiiro gaar ah la siinayo faldambiyeedyada ka dhanka ah musuqa.
Ugu danbayntii waxa uu komoshineerku carabka ku adkeeyay in aan loo dulqaadankarayn isku day ama ku lug-lahaansho musuq maadaamo oo sanadadii ugu danbeeyay lagu guda jiray tababaro iyo wacyigalinta ku taxauqa sidii fahan buuxa looga yeelan lahaa cawaaqib xumada uu leeyahay musuqu iyo sida looga hortago balse hadda wixii ka danbeeya aan loo dulqaadankarin cida galasha musuq iyo cida ku garabsiisa musuqa taasi oo si deg degg ah loo marindoono sharciga iyada oo dhinaca kalena laga fashilindoona cida gasha musuqa islamarkaana laga soo dayndoono warbaahinta deegaanka.
Comments are closed