Nogob News
Wararka DDS
Wararka Caalamka
News in English
Nogob News
Warbixin Ku Saabsan Heerarka Waxbarasho Deegaanka Somalida Itoobiya
JIGJIGA (estvlive) 26/07/2017
Xafiiska waxbarashada dawlada DDSI ayaa si adag isugu diyaarinaya sanad dugsiyeedka cusub ee 2010 T.I, 2017/2018 T.G isagoo ka faa’idaysanaya khibradihii uu kadhaxlay waxqabadkii sanad dugsiyeedkii tagay ee 2009 T.I.
Hadaba mar uu maanta kawaramayay wasiir kuxigeenka wasaarada waxbarashada DDSI mudane
Maxamuud Axmed Nuur
ayaa wuxuu sheegay in sanadkii tagay natiijooyin wax ku ool ah lagasoo hooyay tilmaamayaasha waxbarashada sida xadiga diiwaangalinta guud, xadiga diiwaan galinta saafiga, saamiga ardayga iyo buuga, saamiga ardayda iyo baraha, saamiga ardayda iyo fasalka, saamiga ardayda iyo kursiga, farqiga wiilasha iyo gabdhaha, yaraynta looxtuurka iyo kucelinta. Wasiir kuxigeenku wuxuu sheegay abaarihii sanadkan kadhacay deegaanka in aysan saamayn kuyeelanin hawlaha baris-barasho iyadoo ay xukuumadu dugsiyada kuyaala goobaha abaaruhu ka dhaceen usamaysay quudin taasoo keentay in uu yaraado looxtuurku.
Dhanka balaasmaha wasiir kuxigeenku wuxuu sheegay in ay koox farsamo yaqaano ah udireen dhamaan gobolada kuwaasoo guulo waawayn kakeenay dayactirka iyo kashaqaysiinta balaasmayaasha, wasiir kuxigeenku wuxuu sheegay in sanadkii 2009 lasameeyay kormeer loogu kalabaxay dhamaan gobolada iyo dagmooyinka iyadoo ay ujeedada ugu wayn ay ahayd soo xaqiijinta tirada ardayda dugsiyada waxkabarata iyadoo madaxtaabasho lagu sameeyay ardayda taasoo yaraynaysa buunbuuninta xogta.
Wasiir kuxigeenku wuxuu intaas kudaray in xafiisku uu diyaar garaw adag ugu jiro dardargalinta S.D. 2010 T.I guulo waawayna lagasoo hoyn doono iyadoo laga faa’idaysanayo khibradihii laga dhaxlay 2009 iyadoo maanka laguhayo kamidho dhalinta qorshaha wayn ee uu madaxwaynu inoo jeexay ee ah” iskufilaanshaheenii waan soo ceshan karnaa”.
Comments are closed
Comments are closed