DAAWO Barlamaanka oo cod aqlabiyad ah Ku Ansixiyay Heshiisyadii Dekeda Bosaso iyo Shirkadda CCECC

Garoowe (estvlive) 27/07/2017

Golaha wakiiladda Puntland  oo maanta dood dheer ka yeeshay heshiiskii dowladda puntland la gashay shirkadda P & O ee DP World ayaa cod aqbaliyad ah ku ansixiyay heshiiskaasi oo uu barlamaanku horkeenay Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Siciid Maxamed Raago.

Kullanka maanta oo ay soo xaadireen 60 mudane, wuxuu ku bilowday falanqayn iyo bandhig filim oo ay wasaaradda Dekedaha   ku faahfaahinaysay qaabka uu noqon doono dhismaha iyo ballaarinta lagu samaynayo dekeda Bosaso. Xildhibaanadda qaarkood ay su’aalo ka waydiiyay wasiirka heshiiska iyo qaabka loo ballaarinayo dekeda, waxay kaloo soo jeediyeen tallooyin taasi oo uu ka jawaabay wasiirku.

 

Guddoomiyaha barlamaanka Puntland axmed Cali Xaashi oo ku dhawaaqay go’aanka barlamaanka, waxaa uu sheegay in 59 Xildhibaan ay u codeeyeen in la ansixiyo heshiiska, hal xildhibaan oo kaliya ayaa ka soo horjeestay, iyadoo guud ahaan 60 mudane ay fadhiyeen fadhiga barlamaanka sida uu sheegay.

” ansixinta labada heshiis waa mid taariikhi ah, waa heshiisyo ummada waxtarkeeda u yeelan doona, kaabayaasha dhaqaalahana wax ka tari doona, cid walba oo reer Puntlandna farxadweyn ayay u tahay” sidaas waxaa yiri guddoomiye K/xigeenka Barlamaanka Puntland Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaan  Ciise

dhinac kale, Barlamaanku wuxuu isla maanta meelmariyay heshiis kale oo dowladda Puntland ay la gashay shirkadda laga leeyahay dalka shiinaha ee CCECC kaasi oo ku saabsanaa dhismaha Garoonka diyaaradaha Galkacayo, dhimaha wadada Garowe iyo Eyl iyo mashaariic kale, taa bedelkeeda dowladda Puntland ay ruqsad u siisay shirkadda inay heshiisyo shidaal iyo macdan baaris ah ka samayso degaamadda Puntland.

Agaasimaha Hay’adda Macdanta iyo shidaalka Puntland Siciid Faarax Maxamuud ayaa barlamaanka u faahfaahiyay heshiiska dowladda la gashay shirkadda CCECC, waxaa uu sheegay in heshiiskan uu muhiim u yahay kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo bixinta deyn shirkadu ku lahayd wajigii hore dhismaha Garoonka diyaaradaha  Bosaso oo qiimihiisu dhammaa 12 milyan oo dollar

Madaxweynaha Puntland oo ay weheliyaan qaar ka mid ah gollihiisa Wasiiradda iyo guddoomiyaha Barlamaanka ayaa bishii March wuxuu heshiis la galay Shirkada P& O ee DP World kaasi oo lagu ballaarinayay Dekeda Bosaso, heshiiskaasi wuxuu dhigayay in muddo 30 sanno ah ay dekeda Bosaso maamusho shirkadd DP World,  Taa bedelkeedana lagu maalgaliyo Lacag qiimo ahaan dhan $336 milyan oo dollar (Saddex boqol iyo Sodon iyo Lix Milyan), iyadoo Shirkadda DP world ay wajiga kowaad ee mashruuca ku bixin doonto 136 Milyan  milyan oo dollar, wajiga labaadna 200  milyan Doolar.

Comments are closed