Kenya oo Somaliya u tababari doonta 200 kal-kaaliye caafimaad

Kenya (estvlive) 27/07/2017

Dowlada Kenya ayaa sheegtay inay sii dar dar gelindoonto heshiiskii iskaashiga ahaa oo ay la gashay dalka Soomaaliya, iyagoo shaaciyey in dhawaan la bilaabi doono tababarada boqolaal Arday ah oo ka imaaneysa dalka Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa wada saxiixday heshiiska iskaashiga kadib booqashadii bishii Maarso uu dalka Kenya ku tagay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, halkaasi oo lagu dhisay guddiga [Joint Commission for Cooperation] kaasi oo ka shaqeyn doona mashaariicda labada dal iska kaashanayaan.

 

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Kenya Amina Maxamed ayaa sheegay in dhawaan la bilaabi doono mashruuca dalka Kenya lagu keeni doono boqolaal Arday ah oo loo tababarayo inay noqdaan Kal Kaaliyayaal Caafimaad kuwaasi oo ka hawlgeli doona xarumaha caafimaadka ee dalka Soomaaliya.

Kooxda ugu horeysa ee ardaydan ayaa la filayaa inay waxbarashadooda ka bilaabaan Kuliyada Mandera Medical College bisha September.

Guddiga iskaashiga labada dal ayaa horey u hirgeliyey in dib loo furo duulimaadkii tooska ahaa ee u dhaxeeyey Muqdisho iyo Nairobi.

Comments are closed