Maamulka Khaatumo oo ka digay in la carqaladeeyo wadda hadallada ay la leeyihiin Soomaaliland

Khaatumo (estvlive) 27/07/2017

Wasiirka Amniga maamulka Khaatumo Keyse Cabdi Yuusuf ayaa ka digey shir la sheegay in lagu qaban doono Buuhoodle, kaas oo lagaga arinsan doono mustaqbalka maamulka Khaatumo kaddib markii wadahadallo u bilaawday Khatumo iyo maamulka Soomaaliland.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in aan la aqbali doonin shir lagu carqaladaynayo wadahadalada u socda Somaliland iyo Khaatumo.

Keyse oo la hadlayey ciidamo wadajira oo Somaliland iyo Khaatumo ka kooban kuwaas oo uu sheegay in diyaar u yihiin in ay ka hortagaan cidkasta oo wada shir lagu carqaladaynayo wadahadalada.

“Dadka shirkaa wadaa waxa ay doonayaan in ay qalalaase ka dhaliyaan Buuhoodle, anagaa Buuhoodle iskaleh ogolaana mayno, waa kuwan ciidamadii oo wadajir ah, ciidankan waa Somaliland waxaana wata kabtan Jaamac Aadan” ayuu yidhi Keyse.

Hadalka wasiirka ayaa waxaa keenay markii khilaaf ka dhex dhashay maamulka Khaatumo, kadib markii wadahadalada socda uu bilaabay Madaxweyne Cali Khaliif Galaydh, kadibna ay ka soo horjeesteen qayb uu Hurmuud ka yahay ku-xigeenkiisii Cabdala Cagalule oo shir ku qabtay magaalada Muqdisho kuna baaqay shir beeleed Buuhoodle ka dhaca.

Dhinaca kale waxaa si weyn laysu weydiinayaa halka ay Ku danbeeyeen wada hadaladii uu Prof. Galayr sheegay in aan dib loo dhigi Karin oo maanta mudo dhaaf aan cudurdaar lahayn mardanbe aan la soo hadal qaadin.

Comments are closed