Xoghayaha UN-ka oo Waraaqaha Aqoonsiga Ka Guddoomiyay Safiirka Cusub ee Soomaaliya

QM (estvlive) 27/07/2017

Abukar  Maxamed Cismana oo ah Safiirka cusub ee dowladda federaalku  u magacowday Qaramadda midoobay ayaa warqadihii aqoonsiga Danjirenimo guddoonsiyay Xog-hayaha guud ee QM fadhiya Qaramada Midoobay Antonio Guterres .

Kullan uu  magaalada Newyorka ee xarunta QM kula yeeshay Xog-hayaha guud ee QM Antonio Guterres  maalintii shalay ayay  ka wada hadleen xiriirka QM iyo Dowladda Soomaaliya, wuxuuna danjiruhu sheegy in uu xoojin doono xiriirka dib lomaasiyadeed ee u dhaxeeya Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

“Waxaa warqadihii aqoonsiga safiirnimo iga guddoomay Antonio Guterres Xog-hayaha guud ee QM’ waan ku faraxsanahay xilkani in aan Soomaaliya u qabto, horey waxaan xilal kaladuwan uga soo qabtay Dowladihii dalka Soomaaliya soo maray” ayuu yiri Danjire Abukar.

Danjire Abukar ayaa bedelay safiirkii hore ee Soomaaliy ee Qaramada Midoobay Yuusuf Garaad oo ku biiray golaha wasiiradda xukuumadda Ra’isul Wasaare khayre, wuxuuna noqday wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah.

Comments are closed