“Lacagta waxaa ku jira Kun, labo Kun, Shan Kun, 10 Kun, 20 Kun, waxaa kale oo laga fekirayaa xitaa 50 Kun in lagu soo daro laakiin intaan hor ayaa loo baahan yahay ayaa la yiri,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee dalka ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda sameyn doonto lacag ka yar Kunka Shilin, hase ahaatee waqtigana la diyaariyay oo kaliya Kunka Shilin.
Bashiir Ciise Cali, Guddoomiyaha Bankiga dhexe ayaa sheegay dadka sameeya lacagaha been abuurka ah ee loo ekaysiiyey Kunka Shilin iyo inta ku gacansiisa ay dalka iyo dadka dambi ka galeen, cidii lagu soo qabto iyada oo gacanta kula jirta samaynta laacagtaas sharciga la horgeyn doono.
“Sharciga waxaa uu leeyahay qofkii lagu helo lacag been abuur ah waa 10 sano oo xarig ah waana dambi caalami ah,” ayuu yiri guddoomiyaha.
Mudooyinkii dambe waxaa sare u kac laga dareemayey qiimaha quudul daruuriga ee suuyada dalka, taas oo loo aaneeyey lacago badan oo suuqyada soo galay lacagtaas oo u badneeed mid been abuur ah waxayna keentay in ay gobolo badan oo koofurta iyo bartamaha laga diido lacagtii Shilin Soomaaliga aheyd.
Comments are closed