Weerarkan ka dhacay deegaanka Magumeri ee gobalka Borno state ayaa lagu dilay ugu yaraan 50 qof.
Inta badan dadka la xasuuqay ayaa u badnaa koox khubaro ah oo ka socotay hay’ada Nigerian National Petroleum Corporation (NNPC), kuwaasi oo shidaal ka baarayey bariga dalka Nigeria.
Dadka weerarka lagu dilay ayey ku jireen askar badan iyo maleeshiyaad deegaanka kasoo jeeda kuwaasi oo illaalo u ahaa kooxda jidgooyada loo dhigay.
Militariga Nigeria ayaa xaqiijiyey in 18 askari weerarkaasi looga dilay, iyagoo horey uga gaabsaday inay sheegaan tirada rasmiga ah, balse khamiistii shalay ayaa la helay in badan oo kamid ah dadkii weerarkaasi lagu dilay oo hada tiradooda kor u dhaaftay 50 qof.
Dowlada Nigeria ayaa sanadihii lasoo dhaafay dooneysay inay balaariso goobaha ay batroolka kasoo saarto oo horey intooda badan ku yaaleen deegaanada koonfurta dalkaasi, waxayna mudooyinkii danbe ay doonayeen inay xooga saaraan dhulka batroolka ku jiro ee Bariga wadankaasi, walow dhulkaasi ay weli ka dagaalamaan kooxda xagjirka ah ee Boko Xaram.
Comments are closed