DAAWO Barlamaanka Puntland oo Ansixiyay Degmooyin Cusub

Garoowe (estvlive) 29/07/2017

Golaha wakiiladda Puntland ayaa maanta ansixiyay afar Degmo oo cusub oo kala ah Dhudhib, Shaxda , Bursaalax iyo xunbays, degmooyinkan waxaa magacaabay madaxweynaha, waxaana barlamaanka u soo gudbiyay   golaha xukuumadda oo   ansixiyay bilowgii bishan july 2017

 

Fadhiga barlamaanka oo uu shir gudoominayey guddoomiyaha  Golaha  Axmed Cali Xaashi ayaa ku dhawaaqay natiijada  codaynta, 39 xildhibaan ayaa u codeeyay in  la ansixiyo  degmooyinkaas , 1 xildhibaan ayaa diiday, 4 xildhibaana waa ka aamusee, waxaana guud ahaa soo  xaadiray Mudanayaal tiradoodu gaareyso 44 mudan.

Afarta degmo ayaa  kala Dhudhib, Shaxda ,iyo xunbays oo ka tirsan gobolka karkaar iyo Bursaalax oo ka tirsan gobolka Mudug, sidoo labo mid ka mid ah degmooyinka la ansixiyay waxay k tirsanaayeen degmadda Bender Bayla oo ka mid ahayd degmooyinkii qadiimiga ah ee ku yaal xeebaha badweynta Hindiya ee gobolka bari oo hadda laga dhigay saddex gobol.

Gudoomiyaha golaha wakiiladda wuxuu sheegay in dhammaan degmooyinkaasi la ansixiyay  ay soo buuxiyeen shuruudihii degmo ee looga baahna, waxaana guud ahaan degmooyinka puntland ay tiro ahaan kor dhaafayaa 40 degmo.

isla  bishan waxaa mudaharaadyo ka dhaceen degmadda Bender Bayla oo lagaga soo horjeedo magacaabsita degmooyinka cusub, waxay sheegeen in degmooyinkii hore u jiray ayan helin adeegyadii muhiimka u ah nolosha dadweynaha, waxay kaloo go’aankaasi ku tilmaameen  mid dhaawacaya nabadgelyada degaanaka, islamarkaana abuuraya dagaalo iyo kala fogaanshaha bulshada ku wada nool degaamadaasi.

Comments are closed