Goobta Qaraxa uu ka dhacay meel u dhow waxaa saldhig ciidan ku leh Ciidamo ka tirsan Nabad Suggida Somaliya.
Saraakiisha laamaha ammanka ee dowladda Federaalka oo ka dhowaa halka Qaraxa uu ka dhacay ayaa gurmad u fidiyey dadkii dhaawacmay balse ma jirto cid loo soo qabtay Qaraxa.
Maamulka degmada Hilwaa iyo saraakiisha ammaanka ee degmadaasi weli faah faahin kama aanay bixin khasaaraha ka dhashay mashaqadda.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxa maanta ka dhacay inta u dhaxeysa isgoysyada Soos iyo Ex-Control Balcad.
Magaalladda Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ay ciidamada dowladda ka sameynayeen howlgallo isdaba joog ah oo amniga lagu xaqiijinayay.
Comments are closed