Kuuriyada Waqooyi: “Hada waa helnay Gantaalada Gaara dhamaan dhulka Maraykanka”

K/Waqooyi (estvlive) 29/07/2017

Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay Gantaalkii labaad ee ridada dheer oo ay bishan tijaabiyaan, kaasi oo kusoo dhacay bada dalka Japan.

Xukuumada Pyongyang ayaa tijaabada Gantaalkan Qaaradaha isaga kala goosha ku tilmaamtay mid ay ku guuleysteen, isla markaana ay hada heleen gantaalada ay ku duqeyn karaan guud ahaan dhulka Maraykanka.

“ Tani Waa Digniin Adag oo ku socota Maraykanka” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xukuumada Kuuriyada Waqooyi.

 

Khubarada dhanka hubka ayaa sheegay in Gantaalkan ugu danbeeyey uu yahay mid ka awood badan kii ay Kuuriyada Waqooyi tijaabisay 4tii bishan July kaasi oo la sheegay inuu gaari karay gobalka Alaska ee Maraykanka.

“ Gantaalkan wuxuu tusaale u yahay awooda Kuuriyada Waqooyi inay xiligii ay doonto duqeyn karto goob walba oo kamid ah dhulka Maraykanka…” ayaa lagu yiri Qoraalka lagu baahiyey Wakaalada Wararka ee Kuuriyada Waqooyi (KCNA).

Maraykanka ayaa cambaareeyey tijaabadan, Donald Trump ayaa sheegay in dowladiisa ka shaqeyn doonto adkeynta iyo difaaca dhulkooda iyo dalalka xulafadooda ah ee Aasiya. Xoghayah Arrimaha Dibada Maraykanka Rex Tillerson ayaa isaguna ugu baaqay dowlada China inay cadaadiso Kuuriyada Waqooyi.

Xukuumada Trump oo horey ugu hanjabtay inuu ka dhamaaday dulqaadkii ayna tilaabo ka qaadi doonaan Kuuriyada Waqooyi, ayaan sheegin waxa ay hada ka yeeli doonaan dalkaasi oo sii wada tijaabinta Gantaalada oo uu hada u muuqdo inuu heer fiican ka gaaray.

China oo ah dalka xiriirka ugu dhaw laleh Kuuriyada Waqooyi ayaa qudhiisa cambaareeyey tijaabadan. Walow hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-Un uu horey dhegaha uga fureystay cambaareynta uga timid beesha Caalamka iyo saaxiibadiisa China.

Comments are closed