Waxaa uu tagay dalka India waxaana saddex maalmood ka hor lagu sameeyay qaliin guuleystay oo labada keli lagu sameeyay, sida ay shaacisay Surya Prakash oo ah Dhakhtaradda qaliinka ku sameysay ee Isbitaalka Virinchi Hospitals.
“Markii uu halkaan noogu yimid, wuxuu noo sheegay in Kilidiisa Infekshan ay qabto, laakiin markii aan qaliin ku sameynay, waxaana ka soo saarnay dhagxaan badan, waxaana ka hor inta aanan qaliin ku sameynin saarnay qalabka lagu ogaado dhagxaanta.” Ayeey tiri Drs Surya Prakash.
“Dhagxaanta qaarkood intii aan ku guda jirnay qaliinka ayeey soo daateen, waxaana intii kale markii aan soo saarnay ku qiyaasnay 700 oo dhagxaan yar yar ah, qiyaastii 100 illaa 150 dhagxaan ah waa ay naga daateen.” ayeey hadalkeeda sii raacisay.
Dhacdadan ayaa noqotay tii ugu horreysay oo ay la kulmaan dhaqaatiirta dalka India, marka la eego tirada dhagaxyada laga soo saaray Kilida Abdi Rahman
Comments are closed