Al-Shabaab oo weerar gaadmo ah ku diley askar ka tirsan AMISOM

Golweyn (estvlive) 30/07/2017

Malayshiyada ururka al-Shabaab ayaa wadada u galay kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM. Weerarka ayaa ka dhacay meel ku dhaw tuulada Golweyn, ciidamada AMISOM ayaa ku sii jeedey magaalada Buula Mareer ee gobolka Shabeelada Hoose.

 

Idaacadda ku hadasha afka al-Shabaab ee Andulus oo soo xiganaysa sarkaal ka tirsan Malayshiyaadka al-Shabaab ayaa sheegtey in ay dileen askar ku dhaw 40, waxaana uu sheegtay in ay soo bandhigayaan sawiradooda.

Warar laga helaayo saraakiil ka tirsan SNA ayaa sheegaya in AMISOM weerarka gaadmada ah looga diuley askar gaareysa 10 askeri.

AMISOM ayan weerarka ka hadlin weli.

Comments are closed