Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Dhagax Dhigay Kastamka Cashuuraha Tukaraq

Tukaraq (estvlive) 30/07/2017

Wasiirka Maaliyadda Puntland C/laahi Shiikh Axmed oo ka mid ahaa gollihii Wasiiradda ee dhowaan barlamanku kalsoonida kala laabtay iyo Wafti uu hogaaminaayo ayaa shalay kormeer ku tegay kastamka Magaalada Tukaraq oo ka tirsan Gobolka sool

Wafti wasiirka ku weheliyay kormeerka waxaa ka mid ahaaa Wasiir K/xigeenka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Agaasimaha Wasaarada Maaliyadda, K/xigeenka xisaabiyaha guud ee dalka iyo masuuliyiin kale, waxana halkaasi ku soo dhoweeyay saraakiisha cashuuraha ee kastamka iyo Masuuliyiinta tuuladda  Odayasha dhaqanka haweenka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada rayadka

 

Ujeedada safarka wasiirka wuxuu la xiriiray dhisme cusub oo wasaaradda Maaliyadda Puntland ay ka hirgalinayso Tukaraq, kaaso oo adeegsan doono shaqaalaha  kastam maaliyada oo ka mid ah kastamayada dakhligu uga soo xaroodo wasaaradda Maaliyadda

Magaalada tukaraq waxaa hore  uga jiray kastam cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda Puntland ay leedahay balse wasiirka ayaa dhagax dhigay Dhisme k cusub oo halkaasi dhowaan looga hirgalin doono.

Madaxweynaha dowladda Puntland,wuxuu toddobaadkii hore xariga ka jaray dhisme cusub oo casri ah oo wasaaradda Maaliyadda Puntland ay ka hirgaliso caasimadda Garoowe, kaasi oo ay ku shaqayn doonaan shaqaalaha wasaaradda maaliyaddu.

Comments are closed