Booliiska Kenya oo shaaciyay magaca qofkii weeraray guriga madaxweyne ku-xigeenka Kenya

Kenya (estvlive) 01/08/2017

Saraakiisha booliiska dalka Kenya ayaa shaaciyay magaca ninkii weerar ka geystay guriga madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya oo ku yaala degmada Uasin Gishu.

Taliyaha ciidamada dambi baarista Kenya Ndegwa Muhoro ayaa ku sheegay qofkii weeraray guriga Madaxweyne ku xigeenka Kenya Mohammed Ibrahim Muhammad oo deegaanka deegaanka Dandu Bariga Mandhera.

“Qofka weerarka geystay waxa uu ahaa ganacsade degenaa magaalada Eldoret waxaana aan cadeyneynaa in weerarka uu kaligii ku ahaa oo aysan jirin cid ku wehelisa.”ayuu yiri Mr Muhoro oo ku sugan magaalada Eldorter.

Weerarka ayeey sheegeen saraakiisha booliiska in lagu dilay hal ruux mid kalana lagu dhaawacay, balse uusan u helin awood inuu gudaha u galo guriga Mr Ruto.

Qof weerarka geystay ayaa la sheegay in uu xiriir wanaagsan la lahaa ilaalada guriga Mr Ruto ee Sugoi ku yaal waxaana uu ka iibin jirey alaabo kala gedisan isagoo weliba deyn ku siin jirey waxyaabaha uu ka ganacsado.

Booliska Turbo iyo Jua Kali ayaa heegan la geliyay Axadii kadib markii la ogaaday in qaar ka mid ah dadka halkaa ku nool ay u hanjabeen dadka Soomaalida ah ee halkaa ku nool.

Comments are closed