Dowladda Maraykanka ayaa Maduro ku eedeeysay hindisihiisa sharciga baalmarsan ee uu ku dhaqan gelinayo golaha sare ee ka shaqaynaya dib u qorista dastuurka dalkaas.
Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka Steven Mnuchin ayaa ku dhawaaqay in la xayiray dhammaan hantida madaxweyne Maduro uu ku leeyahay Maraykanka, isla markaana dadka Maraykanka ah laga mamnuucay inay wax ganacsi ah ay la sameeyaan madaxweynaha Venezuela.
Dowladdaha Mexico, Colombia iyo Peru, ayaa iyagana ku biiray Maraykanka, waxaana ay sheegeen in aysan aqoonsan doonin natiijo kasta oo kasoo baxda doorashada dalkaasi ka dhaceysa.
Sidoo kale Nikki Haley, oo ah wakiilka dowladda Maraykanka ee Qaramada Midoobe, ayaa sheegtay in wax laga xumaado ay tahay qorshayaasha uu wado Maduro, kuwaas oo ah sharci darro.
Xoghayaha Maaliyadda ayaa ku tilmaamay madaxweyne Maduro, inuu yahay keli taliye iska indho tiray doonista shacabkiisa.
Comments are closed